X

Waan banaan baxaa

Dalkan Finland,  banaan-bax nabad ah waa mid sharci ah oo waana jid la ogol yahay ee aad fekradaada ka diinayso. Banaan-baxyada waxay isku keentaa dad yow badan oo ka qeyb qaadanaya oo ka dibna si cad ugu ololeeya aaraadooda waxa ay tahay. Ulajeedada banaan-baxu waa in raad aad ku yeelato go’aan gaarayaasha oo aadna wacyigel ka sameyso dhibaatada bulshada haysata.

Qof kasta 15 sano jir gaarey ama ka weyb wuu abaabuli karaa banaan-baxa. Xusuuso in boliiska aad wargeliso Poliisi in banaan-bax aad abaabuleysaan. Boliiska wuxuu ilaaliyaa kuwa ka qeyb qaadanaayo banaan-baxa haddii loo baahdo. Qofka abaabulaya banaan-baxa waa in uu aqriyaa sharciyada iyo sharciga dawladda hoose ee la xiriira banaan-baxyada ama boliiska talo uu weydiiyo.