X

Urur ayaan ku jiraa

Urur ama isutag waa koox dad isukugu tagey oo leh himilooyinka ama shey ku mideysan. Waa hal jid ee aad wax kaga badeli kartaan arrimaha idin muhiimsan oo aad xiriir wada sameyn karaa oo aad talaabo wada qaadi kartaan arimaha idin quseeya ee aad ku mideysan tihiin.

Wadankan Finland waxaa ka jira in kabadan 100,000 urur kuwaaso loo qeybin kara qeybahan soo socda:

  • ururo isboortis iyo jimicsi
  • ururo dhaqan
  • ururo waqti-firaaqada iyo hoobi
  • ururo caafimaad iyo daryeelka bulshada
  • ururo dhalin-yar iyo arday
  • ururo siyaasad
  • ururo shaqale xirfadle
  • ururo dhaqaale iyo ganacsi
  • ururo la talin
  • ururo diimeed iyo aragtida dunida
  • ururo waxbarasho, barbaarin iyo saynis
  • ururo deegaan ama bay’ad
  • ururo howl-gab ama howl-gabka ciidamada
  • ururada xaafada iyo degmada
  • ururada difaaca qaranka iyo nabadda
  • saaxiibada bulshooyinka, ururada dad’yowga kala duwan iyo ururada horumarinta
  • ururada adeegga

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ururada kala duwan ka heli kartaa bogga internetka ee Iskuulka Webka ee Dhalashada Firfircoon (Valtikka). Macluumaad ku saabsan ururada waxaad sidoo kale ka heli kartaa bogga internetka ee Diiwaan-gelinta Ururka (Yhdistysrekisteri).