X

Iskaa-wax-u-qabso ayaan sameeyaa

Waqtigaaga in aad ku tabarucdo ayaa ah hababka kala duwan ee aad wax ku tari karto waxyaabaha muhiimka adiga naftaada u ah. Sida qof waqtigiisa ku tabarucaaya, waqtigaaga firaaqada ayaad waxaad siinaysaa wax dadka dhan u wanaagsan oo keeni karta qibrado iyo saaxiibo cusub. Howl ahaa, waqtiga aad ku tabaruceyso wuxuu noqon karaa tusaale ahaan in aad koox tawabare u noqoto, lacag aruurin loogu sameeyo ama la abaabulo sida kaambka (scout camp). Tusaale ahaan, waxaad sameyn kartaa, adiga oo qeyb ka qaata howlaha ururo qaar ama adiga aad noqoto sida waqtigaaga aad ku tabarucda feestooyinka la qabto maalmaha nasashada.

Waxaa jira meelo badan oo aad waqtigaaga ku tabarici karto oo aad u shaqeyn karto, waa kaliya in aad hesho mid adiga kugu haboon! Hal jid ee aad arrintaa ku bilaabeyso adiga oo fiiriya internetka Iskuulka Webka ee Dhalashada Firfircoon (Valtikka) ururada ka shaqeeya waxyaabaha adiga danaha kuu ah iyo sida aad adiga uga qeyb qaadan karto.