X

Doorashooyinka guddiga dhalin-yarta ayaan ka codeeyaa

Guddiyada dhalinyarta ayaa ah kuwa siyaasad iyo diin ahaan ah kooxyo dhalin yar oo caadi ka ah. Guddiga dhalinyarta waxay gacan ka geystaan danaha dadka da’yarta ee degan degmadooda qaabkastaba. Waxaa laga yaabaa in ay abaabulaan tartamo dhalin yar, ay qeyb ka qaataan go’aan ka gaarida guddiyada iyo guddiga degmada ka jira, oo aad meel ka istaagto arrimaha quseeya dadka dhalin yarta. Guddiga dhalin yarta ayaa badanaaba ka codeeya boosaska ayadoo codbixin loo marayo kasoo dadka da’yarta degan degmadaada xaq u leeyahay in aad u codeyso.

Wargelinta ku saabsan guddiga da’yarta doorashooyinka ayaa badanaaba iskuulada lagu sameeyaa.  Haddii aadan ogeyn in degmadaada uu ka jiro guddi dhalin yaro iyo in kale ama sida loo doorto, weydii wakiilada mata ee guddiyada ardayda, maclimiinta ama tawabaraha dhalin yarta. Sidoo kale waxaad heli kartaa macluumaad ku saabsan guddiyada dhalin yarta iyo sida loo dhiseyba oo aad ka heli karto bogga internetka ee degmadaada. Goorta doorashadu ay timaado, xusuusnow in aad codeyso – tani ayaa ah habka kaliya ee aad raad igu yeelan karto qofka adiga ku matala ee u hadla go’aamada la gaaro ee quseeya dadka da’yarta ah.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan guddiyada dhalin yarta waxaad ka heli kartaa Guddiyada Dhalin-yarada Middowga Finnish (Suomen Nuorisovaltuustojen Liitto – Nuva ry).